|
New York,(insidesomalia.org)- iyadoo maanta ay fadhi xasaasi ah yeelanayaan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu wadaa in si weyn loogu hadlo arimaha Soomaaliya, gaar ahaan amaanka, siyaasada iyo dib u heshiisiinta.
Fadhigan oo ka dhacay xarunta Qaruumaha Midoobay ee Magaalada New York ayaa waxaa ka qayb galaya Hogaamiyeyaasha 15-ka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka iyo waliba Madaxda ilaa iyo shan wadan oo ay xaalado amaan daro ah ay ka oogan yihiin sida Soomaaliya, Suudaan iyo Dalal kale.
Wararar laga soo xigtey diblumasiyiinta ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in go’aan rasmi ah laga qaadan doono xaaladaha wadamada ay colaaduhu ka ogaan yihiin.
Madaxweynaha Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdulahi Yuusuf Axmed oo lagu martiqaaday fadhigaasi ayaa lagu wadaa in uu halkaasi ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono xaalada Soomaaliya, iyadoo khudbadiisa uu ku codsan doono Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo la keeno Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibada ee Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cali Jaamac Jagali ayaa ka sheegay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York in Madaxweynaha Soomaaliya waxa ugu weyn uu kaga hadli doono khudbadiisa ay tahay baahida Soomaaliya ay u qabto in si deg deg ah Ciidamo nabad ilaalin ah loo keeno Soomaaliya.
Arinta ciidamo keenida Dalka Soomaaliya ayaa waxaa siweyn ugu horjeeda dagaalyahanada kahorjeeda Dowlada Soomaaliya iyo siyaasiin kale oo ayaguna u arka in aysan xal keenikarin ciidamo lakeeno dalka soomaaliya,waxayna ku doodayaan Siyaasiintaasi in marka hore ay soomaalida ay iyadu heshiiso kana teshato aayaheeda
|